Dowlad Deegaanka oo soo rogtay tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka Covid-19.

Waaxda Caafimaadka ee Dowlad deegaanka Soomaalida ee waddanka Itoobiya ayaa waxay soo rogtay tallaabooyin cusub oo ay sheegtay inay doonayso inay ku xakamayso faafaahinta cudurka Covid-19.

Tallaabooyinka ayaa ka mid ah in dadku ay kala fogaadaan, afka ay xirtaan sidoo kalana ay yareeyaan tagitaanka goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan.

Dr Yuusuf Maxamed Cali oo ah madaxa waaxda caafimaadka ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in tallaabooyinka ay soo rogeen kaddib markii ay aad sare ugu kaceen dadka laga helayo xanuunkaasi.

Wuxuu sheegay in dad badan oo da’ ah ay gobolka ku dhimanayaan walow aanay xaqiijin sababta dhimashadooda.