Nabi Aadam CS, Nabi Ciise CS & No.7. (Mucjisada Aayadda 59aad ee Suuratul Al Cumraan.)

kuwo Reera dhib ah, ” Dadka Maqaarka meel duleesho ka raadiyo” , ayaa iyaga oo ku jees jeesayo, waxay weydiiyeen Dr. Cabduldaa’im Al- Kaheel, Aayadda 59aad ee “Suratul Cumran” Fiiri Muuqaalka ( F.M: 1aad), Maxaa la isgu Matalay oo Tusaale la isagu soo qaatay, Nabi Aadam CS iyo Nabi Ciise CS. Nooma muuqato wax weyn oo Tusaale la isagu soo qaato, kala wakhti ayey ahaayeen, kala xaalad ayey ku noolaayeen, Maxaa hal Aayad gudaheed Tusaale loogu soo wada qaatay?
Dr. Cabduldaa’im, Culumo Badan ayuu weydiiyay isla Su’aashaa. Laakin kuma qaacin Jawaabta.
kadib waxa uu xasuustay in Qur’aanka laftiisu uu yahay Mucjiso, looguna talagalay wakhtiga oo dhan. Ummaddii Nabi Muuse CS waxay ku horeeyeen Sixirka, waxaa loo keenay Mucjiso “Ul” Mas ah oo Saaxiriintii ka yaabisay, Wakhtigii Nabi Muxamed CSW, waxay ahaayeen Ummadd “Balaagada Luqadda” iyo Gabayada isagu faano, waxaa soo dagay Qur’aanka oo Balaagadooda ka horeeyo, Xattaa Jinigii ayaa yiri: waxaan maqlay Qur’ aan Cajiib ah sida ka muuqato Bilawga”Suuradda Al Jinni”
Dr. Abduldaa’im waxa uu Xasuustay in Qur’aanku uu yahay Mucjiso loogu talagalay ilaa Ummadaha Aakhiru Samaanka, Horuumar kasta oo Cilmigu gaaro wakhtiyo kala duwan, waxaa Mucjiso u noqon karo Qur’aanka.
Waxaa uu ka fikiray in Cilmiga Teknolojiyada Casriga ah ee Kombiyutarada in uu ku isticmaalo si uu Aayada iyo soo Noqnoqoshada Xarfaha, uuna kala fur furo isaga oo u Baarayo hab Cilmi ah isticmaalayana Aqoonta “Computer Science”.
Wakhtigaan oo ah mid ku tiirsan “Computers” lagu Dhisay Labada Number ee ( 0 & 1) ee Nolosha lagu isticmaalo. Sida. Tel.Number, warqadda Aqoonsiga, Taargada Baabuurka, Passport, Safka loo galo takhtarka, Numbarada Guryaha iyo Waddooyinka, warqada dhalashada, Numbarka Ciidamada, Saacadaha, iyo kuwa kale.
Waxa uu Qaatay isla Aayadii 59aad, waxa uu ogaaday in Qur’aanka oo Dhan lagu sheegay Magaca Ciisa 25 mar, Magaca Adamna lagu sheegay 25 mar, isku mid. Marka loo xisaabiyo sida ey u kala horeeyaan Ayaadaha Ciise magaciisu ku jiro iyo kuwa Adam ku jiro midba gooni, Aayadda 7aad oo kaliya ayaa Magacoodu ku wada jiraa. Cajiib.
Magaca Ciisa marka Carabiga lagu qoro sidaa Qur’aanka uu ugu qoran yahay waa Afar Xaraf, kan Aadamna waa Saddax Xaraf. marka labada magac la isku daro waxa ey ka kooban yihiin 7 xaraf.
Marka La is Barbara dhigo si Tusaale loogu qaato, waxaa la yiri: “Matalu Ciisa” Fiiri Muuqaalka (FM: 2aad) waana 7 Xaraf, Laakin Aadam oo Saddax Xaraf ah markii lagu tusaaleynayay waxaa lagu daray Xarafka “K” “ka matali Aadan” (FM: 3aad) waxa eyna noqotay 7 xaraf, “K” da” la ‘aanteed waxa ey noqon leheyd 6 xaraf.
Tusaale kale, labada Nabi Markii la Uumayay waxaa la yiri: “kun fayakuunu”. iyaduna waa 7 Xaraf. (F.M: 4aad ). waxa kale oo uu yiri.Tirada Magacyada Aadam iyo Ciise ee Qur’aanka ku jiro waa 25 +25=50. marka laga reebo halka Aayad oo ey ku mideeysan yihiin waa 49 , taa oo ah 7X7 .
waxa uu yiri: Mucjisaadka Aayadaan, waxaa ka mid ah tariibka Miisaan ee halka laga dhigay Suuradda iyo Qur’aankaba, Xiriirka Numbarka 7 iyo Macna kale oo aan Aqoonteydu gaarsiisneyn.
Waxa uu yiri: intaa waxaa sii dheer, markii la Uumayay Labaduba waxa ey ku dhasheen xaalad Mucjiso ah, Mid Aabe iyo Hooyo male, midna Aabe male, dhinaca kale sida Qur’aanka ku jirto markii Ruuxdooda laga hadlayay Labadaba waxaa la yiri: “min Ruuxi laahi”. Aadam CS waxaa laga soo dejiyay Xagga Sammadda, Aakhiru Samaankana Ciise CS waxaa laga soo dejinayaa Xagga Sammadda.
Ayaadaha Qur’aanka oo dhami waa wadda mucjiso muujinee xaqiiqda Qur’aanka, wakhti kastana ka horeeyso Horuumarka Cilmiga ee Beni aadamku gaaro, Aayadaanna waa mid ka mid ah Mucjisooyinka Qur’aanka Qofkii Alla fahamsiinayo.
FG: Wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir