Maxaa haatan sahlay in madaxda Puntland iyo Jubaland ay ogolaadaan ka qeybgalka shirka?

Xilli la filayo in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shir lagu wado in uu dhexmaro madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, hadaba isweydiintu waxay tahay waa kuwii muddo is mari la’aa madaxdaasi, maxaa haatan sahlay isu imaanshahooda?

Dr. Cabdi Maxamuud Xirsi oo ah cilmibaare ka tirsan machadka Daraasaadka Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Griffs ee daka Australia ayaa BBC u sheegay in cadaadis ka yimid beesha caalamka uu fudeeyay in madaxda ay maanta ku heshiiyeen in la qabto shirka.

“Is rabitaan iyo is ogolaansho xagooda ka yimid ma aha..waa culeys kaga imanayo ajaaniibta iyaga howlahooda hadda ku dhex jirta”