Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Diyaarad laga celiyay garoon ku yaal Gobolka Mudug.

Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay waxaa ay ka hadashay diyaarad laga hor istaagay inay ku degto Garoon ku yaal Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.

Diyaaradda oo siday Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ay sheegtey in ay diyaaraddaas iyadu joojisay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ( Oomaar) oo su’alo lagu weeydiinayay Barnaamij ka baxayay Aalada Club House ayaa sheegay in sababo amni oo kajiray Garoonka darted ay uga celisay inay diyaaradaas ku degto.

“Diyaaradda Garacad u socotay, arrimo amni oo markaas garoonka ka jiray ayaan u joojinnay oo garoonka amniga sugnayn ayaa jiray ee ma jirto xannibaad, wax alle wixii keeni kara in hawada dib nooga noqoto waan ka hortagaynaa ayuu yiri” Wasiir Oomar.

Warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland uu dhaawaan beeniyay in diyaarad siday Mas’uuliyin ka tirsan Imaaraadka Carabta in laga celiyay Garoon ku yaal Muqdisho.