Cabsi laga muujiyay shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka.

Muqdisho:-  In kasta oo aad loo soo dhaweeyay wada hadalka dib u soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka haddana waxaa jira shaki  laga muujinaayo mira-dhalka wadahadalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan wada xaajoodka Nukliyeerka, Robert Malley, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, shalay wuxuu ku yiri: “kulanka Vienna ee la qorsheeyay inuu qabsoomo todobaadka soo socda waa talaabadii ugu horeysa ee loo qaaday soo nooleynta heshiiska Nukliyeerka Iiraan, laakiin wada hadalada way adkaan doonaan.”

Agaasimaha Hay’ada Tamarta Atomiga ee Iiraan, Cali Akbar Saalixi, ayaa dhankiisa ku sheegay hadal uu ka jeediyay habeenimadii Jimcaha Aaladda “Clubhouse” in wadahadalada farsamo ee la qorsheeyay in talaadada soo socota ay furmaan ayaa ka digay halista laga filan karo dhinacyada ka qeyb galaaya shirka.

Waxuu intaas ku daray in wada hadalkii khadka tooska ah ku dhexmaray wakiilada Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska, oo lagu daray Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan, uu ahaa mid jabiyay ismari waagii hore ee hortaagnaa wada hadalka Nukliyeerka.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa dhawr jeer lagu eedeeyay ku xadgudubka heshiiskii horay looga gaaray Nukliyeerka iyo falal  la xiriira ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, waxaana la saadaalinayaa in wadahadaladan ay hormuudka u yahiin Iiraan iyo Mareykanka aysan noqon doonin mid ka  fudud Labada dhinac.