Kooxo Hubaysan oo degmada Baladxaawo ku dilay Nabadoon magalaadaas Caan ka ahaa.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay Degmada Beledxaawo ay ku dileen nabadoon caan ka ahaa degmadaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi , waxaana la sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Dilka kadib ayaa ciidamada ammaanka waxaa ay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha kala duwan eek u yaala Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay masuuliyada dilka loo geystay Nabadoonka.