Dowladda Soomaaliya oo dib u billaabaysa bixinta Baasaboorada oo muddo hakad ku jiray.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo muddo aan la bixin sababo la xiriira cudurka Coranavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay, 4 april, 2021, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tilmaantay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).

Qoraalka Hay’adda SocdaalkaHoos ka akhriso: