Richard Dunne: Haland wuxuu Man City u noqon karaa beddelka Aguero

Daaficii hore ee kooxda Manchester City Richard Dunne ayaa aaminsan in ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Haaland uu noqon karo beedelka Augero oo kooxda ka atagaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dunne wuxuu sheegay in Haaland uu Manchester City u noqon kara hanti qiimo badan oo ay muddo dheer ku nafcin karto.

City ayaa lala xiriirinayay xiisaha Borussia Dortmund ee Haaland ka hor inta aan lagu dhawaaqin ka tagista kooxda ee Aguero.

Haddii Haaland uu soo caga dhigto garoonka Etihad waxaa looga fadhyaa in uu jabiyo rikoorka Augero oo ahaa kan ugu goolasha badan kooxda Mabchester City abid.