AWOODDA MILITARIGA TURKIGA: TAANGIGA CASRI GA AH EE ALTAY AYAA LA TIJAABINAYAA BISHA APRIL.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bisha April tijaabo ku billaabi doonto taangiga lagu magacaabay Altay ee ah kuwa ugu casrisan ee add uunka lagu isticmaalo, kaasoo muddo sannado badan ay ay ku howl aneyd soo saaristiisa.

Ismaaciil Demir, oo ah madaxa warshadaha qalabka milatariga same ya ee dalka Turkiga ayaa khudbad telefihsinka laga sii daayay Axaddii ku sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay farsameynta taangiga Altay, dhawaanna la tijaabin doono.

Culeyska ugu weyn wuxuu Turkiga ka heystay sidii loo heli lahaa Mat oorka awoodda badan ee uu ku shaqeeyo taangigaas, horayna waxay isugu fahmi waayeen Jarmalka oo Turkiga saaray Cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in hadda uu Turkiga matoorkaas ka iibsaday waddanka Kuuriyada Koonfureed, sidaasna ay ugu suuragashay inuu sameysto taangigan ugu muhiimsan ee loo adeegsado goobaha dag aalka.

Wargeyska Defence News, oo soo xiganaya sarkaal Turki ah oo uu san magaciisa shaacinin, ayaa sheegay in shirkad fadhigeedu yahay Kuu riyada Koonfureed ay heshiis la gashay Ankara, taasoo hirgalisay guusha laga gaaray sameynta taangigaas.  Mashruuc soo jiitamayay sannado   Turkiga ayaa markii hore mashruucan billaabay 2005 ilaa 2007 oo heerar kala duwan lasoo mariyay, laakiin dib u dhac badan ayaa yimid kaddib markii ay Jarmalka iyo Ankara isku fahmi waayeen isku day la doonayay in lagu helo matoorka uu ku shaqeeyo taangiga. Dowladda Jarmalka ayaa diidmadeeda u cuskatay cunaqabateyn dhanka hubka ah oo ay horay u saartay Turkiga.

Turkiga ayaa hadda ku biiray dalalka faro ku tiriska ah ee heysta Ta angiyada ugu awoodda badan ee ka qeyb gala dagaalka Dhulka, iyadoo taasi ay u sii dheer tahay inuu maamulan karo hannaanka taangiyada ay ku shaqeeyaan, maadaama ay yihiin kuwo lagu farsameeyay gudaha dal kiisa.

 Sannadihii lasoo dhaafay Ankara waxay xoogga saareysay inay ball aariso awooddeeda militari, waxaana uu Turkigu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyo militari oo dibadda ah.

Horaantii sanadkan 2021-ka, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga oo ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga NATO, kaddib ma rkii Turkiga uu gacanta ku dhigay gantaallada difaaca ee uu Ruushka sameeyo, kuwaasoo uu ka dalbaday sanadkii lasoo dhaafay.

Mareykanku wuxuu sheegay in qalabkaas gantaalaha ee S-400 ee Ruushka lagu farsameeyay uu yahay mid aan la jaan qaadi karin tiknolo jiyadda NATO, sidoo kalana uu khatar ku yahay isbahaysiga Euro-Atlantic.

Cunaqabateynta ay ku dhawaaqday waaxda arimaha dibada, bishii Jan uary, ee ka dhanka ah Turkiga, waa mid lagu bartilmaameedsaday waaxda soo iibinta hubka ee dalkaas.

Cunaqabateyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Agaasinka laamaha Difaaca ee Turkiga, Ismaaciil Demir iyo seddex kale oo shaq aale ah.

Waxaa ka mid ah mamnuucida oggolaanshaha dal-ku-galka Marey kanka iyo sidoo kale in la xannibo wixii hanti ah ee u yaalla goobaha uu Mareykanka awoodda u leeyahay.

Tallaabadaas waxaa si degdeg ah u cambaareeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo Ruushka.      Mareykanku wuxuu mar hore Turkiga ka saaray barnaamijkiisii diyaaradeed ee F-35. Taasina waxay ahayd tallaabo uu jawaab uga dhigay in Turkiga uu soo iibsaday gantallo kale

XIGASHO:-BBC/SOMALI