Qarax khasaaro xooggan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho,kaas oo geystay khasaaro u badan dhaawac,sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Qaraxa oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aasa ah ayaa lala bar-tilmameedsaday cidamo ka tirsan kuwa dowladda,gaar ahaan qeybtooda ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaanno Taraafikada.

Goobjoogayaalayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay deegaanka Daaru-salaam degmada Yaaqshiid ee ee gobolka Banaadir,gar ahaanna halka loo yaqaanno Xoola qalka.

Inta la xaqiijiyay 4-Askari ayaa ku dhaawacntay qaraxaas,kuwaas oo dhammaantood loola carary Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho si loo dabiibo.