Madaxweynayaasha Maamulada taagersan dowladda oo Villa Somalia kulan kula qaatay Farmaajo.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo,kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo mdaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen aya akulanka la yeeshay madaxweyne Farmaajo.

Kulanaka aya looga hadlay arrimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalkan iyo muddo kordhinta la hadl hayo in ay qorsheynayaan in xildhibaanada baarlamaanku u sameeyaan golaha shacabka.

Madaxda maamul gobaleedyada ayaa sidoo kalana madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Farmaajo warbixin ka siiyay kulamo ay sacaadihii iyo maalmihii la soo dhaafay ay la yeesheen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo xubnaha midowga musharaxiinta.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen faah-fahin badan lagama helin,waxaase la aaminsanyahay in madaxweyne Farmaajo uu soo dhaweeyay qodobada qaar oo ay ka tanaasuleen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.