Madaxweynaha Somaliland oo xil ka qaadis sameeyay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.

Wareegtada Madaxweynuhu waa Sidan:-

Ku: Cabdi Maxamed Rodol,

Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90-aad.

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha:
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa.

Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan.

Waxaan Go’aamiyey:

In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Garoomada Somaliland.