Madaxda dowlad Goboleedyada qaarkood oo kulan ku yeeshay Muqdisho+Sawirro

Kulanka ayaa waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koonfur Galbeed e Cabdi Casiis Xasan Maxamed (afta gareen) iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlawe)

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo siduu uu ku qabsoomi lahaa shirweynaha wadatashga doorashooyinka ee Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynayaasha Saddexda dowlad Goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay kulamo muqdisho kula lahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland si ay ugu qanciyaan ka qeyb galka shirka Teendhada Afisiyooni balse aysan ku guuleysan.