Maamulka Goboka Banaadir iyo Madaxda Hey’adda Tika oo ku kulmay Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka socotayHey,adda Tika ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Dhinacyadaasi Waxay kawada hadleen xoojinta Wada Shaqeynta ka dhaxeysa Hey,adda Tika ee laga leeyahay Dalka Turkiga iyo Gobolka Banaadir .

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda Tika waxay isku afgarteen in ay kawada shaqeyaan Arrimaha istaraatiijiga ah ee ku sabsan Hormarinta Gobolka.

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay taageerida Machadka Dowladda Hoose iyo Xoojinta Xiriirka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Dowladaha Hoose ee istanbuul .