CC.Shakuur “Farmaajo dalka waa inuu xoog ku heystaa ama la iska kiciyaa..”

C/raxmaan C/shakuur waxa uu tilmaamay in Farmaajo uu Waddooyinka ka xiray 15-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan,islamarkaana laga celinayo xarunta ay ku shiraan golaha.

Isaga oo sii hadlayay ayuu carabka ku dhuftay in Habeenkii iyo maalintii 19-Febraayo uu weerar ku qaaday raggii la tar-tami lahaa,kuwaas oo uu kala jeedo Xasan Sheekh, Sheekh Shariif,C/raxmaan C/shakuur iyo Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kalana waxa uu tilmaamay in Ragii ay talada kala dhaxaysay

oo ay ku jiraan madaxweynayaasha dowlad golabaleedyada ay Naftooda ku aamini waayeen,islamarkaana hubkooda ay kala soo degeen garoonka Aadan Cadde,islamarkana ay deganyihiin Xalane.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Farmaajo dadkii Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan,islamarkaana ay ku taageersan yihiin ficilada auu sameynayo,sida uu hadalka u dhigay.

Qoraakiisa ayuu ku soo geba-gebeeyay soo jeedin ah in Farmaajo doorasho aan lala geli Karin,islamarkaana sheegay in laba arrin middood la sameeyo,in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa.