Al-Shabaab oo digniin culus ka soo saaray Isticmaalka Tallaalka Covid-19.

Al Shabaab ayaa shacabka uga digtay inay isticmaalaan tallaalka AstraZeneca ee dhawaan la geeyay Soomaaliya.

Waxay shaki ka muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalka iyagoo soo hadal qaaday in tallaalka ay joojiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida ay ku baahiyeen bogag taabacsan kooxda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dowladda aysan laheyn qalab ama sheybaar tayeysan oo lagu hubin karo waxtarka iyo ammaanka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

Waxay shacabka ugu baaqeen in Alle bari ay sameeyaan si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.