Puntland oo uga digtay Soomaaliland inay huriso Colaad ka dhax dhalata labada Dhinac.

Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Somaliland inaysan sii Hurin colaad u dhaxeysa laba beelood oo muddooyinkan ku dagaallamaya deegaanka Shidan ee woqooyiya gobolka Sanaag.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa uga digay Soomaliland hurinta colaadaas, isaga oo sheegay in dadka deganka ay yihiin kuwo nabad ku wada nool.

Somaliland waxaan ugu baaqeynaa in aysan sii hurin colaada beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, Dadka deegaankana nabad baan ugu baaqeyna iyo inay dagaalka joojiyaan ayuu yiri” Jaamac Dabaraani.

Ugu dambeyn Afhayeenka Madaxtooyada Puntland waxaa uu shegay inay muhiim tahay in Odayaasha Dhaqanka degaanka Shiddo loo daayo howlaha nabadeynta ah ee labaad Beelood.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku guuleystay in uu heshiis dhex-dhigo laba maleeshiyo beeleed ee dhawaan ku dagaalamay deegaanka Shidan ee woqooyiya gobolka Sanaag, kuwaas oo isku heystay Ceel Biyood ku yaal degaankaas.