Mareykanka oo hakiyay xiriirkii Ganacsi ee kala dhaxeeyay Myanmar.

Wakiilka Ganacsiga ee dalka Mareykanka Katrin Tam ayaa sheegtay in dhamaan xiriiradii ganacsi iyo maalgashi ee kala dhaxeeyay Myanmar la hakiyay heshiiskii ganacsi ee lala galay wadankaasi sanadkii 2013kii.

Go’aanka Mareykanka ayaa yimid kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay tobaneeyo qof lagu dilay gudaha wadankaasi kuwaasi oo rasaas toos ah kala kulmay ciidamada booliska iyo kuwa Militariga wadanka Myanmar kuwaasi oo dhigaayay dibad baxyo ay afgambigii 1da Febrayo ka dhacay kaga soo horjeedeen.