Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isku dayay inay dilaan Moi Kibaki iyo Reila Odinga.

Jaraa’idyada Kenya kuwoodi ugu afka dheer ayaa saakay daabacay in Kooxda Al-shabaab sanadkii 2012kii ay qorsheeyeen inay khaarijiyaan Madaxweynihii hore dalka Kenya Moi Kibaki iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee xiligaas Reila Odinga.

Sida ay daabacday Jariidada The Nation mid kamid ah saraakiisha Al-shabaab ee xiligaas ayaa si booqasho isdaba joog ah ku tagi jiray Magaalada Nyeri si halkaas ugala socda dhaq dhaqaaqyada madaxweynaha intii u dhaxeysay bilihii June ilaa October sanadkii 2012, warbixintaan waxa ay Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ bishii Febraayo waxaana ay ku lifaaqday dacwada badda ee Somalia iyo Kenya oo bishaan ay dhageystay ICJ da.

Warbixinta waxa ay leedahay waxaa suurta gal ah xitaa warbixinada Kenya ee Badda inay basaasseen kooxda Al Hijra ee xiriirka dhow la leh Al-shabaab.

Warbixintaan oo maanta lagu daabacay page ka hore ee jariidada Nation in saraakiisha Kenya ay ka hortageen shirqoolka Alshabaab ay damacsanayeen inay ku khaarijiyaan Moi Kibaki iyo Raila Odinga.

Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay Maxkamada ICJ in galdacwadeedkeedi la eego waxaana ay ciwaan uga dhigtay shirqool lagu dili lahaa Madaxweynaha, Raisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya sanadkii 2012kii.