Haween ku howlanaa tallaalka cudurka dabeysha oo lagu dilay Afghanistan.

Saraakiisha Afghanistan ayaa sheegay in koox hubeysan ay dileen saddex haween oo ka shaqeynayay ololaha tallaalka ka hortagga cudurka dabeysha.

Haweenkan ayaa xilliggii uu weerarka dhacayay tallaalka ka waday magaalada bariga ku taalla ee Jalalabad.

Howlaha tallaalka cudurka dabeysha ayaa ka bilowday Afghanistan Isniintii.

Afghanistan iyo Pakistan waa labada dal ee uu weli ku haray cudurka dabeysha.

Shaqaalaha tallaalka ayaa weerar kala kulmaa waddaado mayal adag oo baahinayo warar been ah oo ku saabsan in tallaalka dabeysha uu sababi karo dhalmo la’aan.