Ciidamada Musanbiig oo weli dagaal kula jira koox boqolaal qof ku haysata magaalo ka tirsan dalkaas.

Maputo:-Ciidamada dawlada Musanbiig oo kaashanaya ciidamo shirkado gaar loo leeyahay ayaa isku dayaya inay soo furtaan dad ku go’doonsan magaalo ku taala waqooyiga wadankaas oo ay koox hubeysan Arbacadii qabsadeen.

Wasaaradda gaashaandhiga Musanbiig ayaa sheegtay in boqolaal ruux laga soo saaray magaalada Baalam oo ka tirsan gobolka Kaabo Delgaado oo Arbacadii lasoo dhaafay ay qabsadeen maleeshiyaad ka tirsan urur la yiraahdo Al-Shabaab oo ku xiran ururka kale Daacish.

Afhayeen dawlada u hadlay ayaa sheegay inay sidoo kale dhulka  hawdka ah ee magaalada Baalam ku hareeraysan ay ka heleen dad naftooda magaalada kala baxsaday kuwaasoo hadda la geeyay meel amaan ah.

Saraakiisha ciidamada dawlada waxay sheegeen inay magaalada ku arkeen meydadka dad la gawracay oo wadooyinka yaala.

Willi magaalada waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dawlada Musanbiig iyo maleeshiyada Al-Shabab oo dalkaas ka dagaalama.