45-qof oo ku dhimatay isbuurasho dhacday goob loogu baroor diiqayey Madaxweyne Magufuli.

Booliska Tanzania ayaa xaqijiyay in 45 qof ay dhinteen halka 37 qof oo kalena ku dhaawacmeen isbuurasho dhacday xilliggii baroor diiqa loo sameynayay madaxweynihii geeriyooday ee Tanzania, John Magufuli.

Booliska Tanzania ayaa cadaadis lagu saarayay inay xaqiijiyaan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dhacadadaas.

Waxaa jira qoys sheegay in dhacdadaas ay ku waayeen 6 kamid ah xubnahooda.

Dadka dhintay ayaa kamid ahaa kumannaan qof oo ka qeybgalayay baroor-diiq looo sameynayay madaxweynihii geeriyooday.

Xubnaha qoyskaas ka dhintay ayaa kala ahaa laba dumar ah oo ay kamiid yihiin hooyada reerkaas iyo afar carruur ah.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayaa dadweynaha oo garoonka uu meydka yaallay ka galay goobo aan rasmi ahayn, halkaasna ay ka dhacday isbuurashada.

Madaxweyne John Magufuli ayaa 17-kii bishan March u geeriyooday xanuun wadnaha kaga dhacay sida ay shaacisay xukuumadda Tanzania.