185 Diidiin oo yaryar oo boorso lagu tahriibinayay oo la qabtay,

Howlwadeennada kastamyada ee Ecuador ayaa Axaddii waxa ay gacanta ku soo dhigeen 185 diidiin oo yaryar oo lagu soo cabbeeyay boors taas oo laga soo diray Jasiiradaha Galápagos kuna socotay dhulwaynaha dalkaasi.

Diidiinka oo lagu xirxiray baco ayaa waxaa lagu helay baaritaanka caadiga ah ee sida joogtada ah looga sameeyo garoonka jasiiradda ee Baltra. Toban ka mid ah diidiinkaasi waa ay dhinteen, saraakiisha ayaa sidaas sheegay.

Mid ka mid ah halista ugu wayn ee uu wajahayo diidiinka Galápagos ayaa ah ganacsiga sharci-darra ah ee ay ku dhaqaaqaan dadka xayawaanka uruursada iyo suuqyada loo beecgeeyaba.

Diidiinka lagu qabtay garoonka Baltra ayaa waxaa loo malaynayaa in da’doodu ay ka yar tahay saddex bilood.

Saraakiisha la dagaallama ka ganacsiga sharci-darrada ah ee xayawaanaatka ayaa sheegay in diidiinka la qabtay uu midkiiba ugu kici lahaa in ka badan $5,000 (£3,600).

Waxaa la rumaysan yahay in kooxaha tahriibinayay diidiinka ay bacda ugu xirxireen si aanay u dhaqdhaqaaqin hasayeeshee qof ku shaqeynayay qalabka raajada garoonka ayaa shaki ka muujiyay waxa ku jiro boorsada sidaas ayaan lagu baaray.

Galapagos tortoises inside the suitcase they were discovered in

Qalabka raajada garoonka ayaa lagu arkay waxyaabo laga shakiyay oo ku dhexjira boorsada kaddibna waa la baaray

A man puts tortoises seized during a search at an airport on a tray
Mid ka mid ah shaqaalaha xerada lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Galápagos oo gacan ka gaysanaya sidii si badqab ah diidiinkaas yaryar loogu xanaanayn lahaa

Boorsada ayaa waxaa garoonka keentay shirkad alaabaha daabusho taas oo sheegtay inay ku jiraan “haddiyado”, bayaan ka soo baxay garoonka ayaa lagu sheegay.

Illaa iyo hadda ma ay jirto cid arrintaasi loo xiray hasayeeshee waxaa su’aalo la waydiiyay qofkii u shaqeynayay shirkaddaas ee boorsada qabtay, waa sida bayaanka lagu sheegayee.

Wasiirka deegaanka ee Ecuador, Marcelo Mata, ayaa dhacdada ku tilmaamay dambi ka dhan ah dhaxalka dabiiciga ah ee duurjoogta iyo xayawaanaatka dalka.

Geedo badan iyo xayawaanaat laga helo Galápagos ayaa ah kuwo jasiiradahaas u gaar ah, kuwaas oo ku yaal qiyaastii meel 1,000km (600 miles) ka baxsan xeebaha Ecuador ee Badweynta Pacific-ga.

Waxyaabaha aadka u caanka ahna waxaa ka mid ah diidiinka way nee Galápagos, kuwaas oo loo malaynayo in jasiiradahaas ay yimaadeen saddex illaa afar milyan oo sanadood ka hor.

Xariga uu qofka ku mutaysan karo tahriibinta xayawaanaatka laga soo dusiyo Galápagos ayaa ah sannad illaa saddex sanadood oo xabsi ah.

Xgasho:BBCSomali