Tallaalka Covid-19 oo maanta laga daaf-furay Baladweyne.

Muqdisho:- Tallaalka xanuunka COVID-19 ayaa maanta laga bilaabay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne ayaa si toos ah looga daahfuray tallaalka xanuunka,halkaas oo ka mid ah meelaha uu saameeyay caabuqa corono virus.

Goobta lagu daah-furayay tallaalka waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka maamulka Hirshabeelle, kan gobolka Hiiraan iyo bahda caafimaadka, kuwaas oo dhammaantood Bulshada ku booriyay in ay qaataan tallaalka Covid-19 si looga hortago cudurka dilaaga ah ee dunida halakeeyay.

Bulshada gobalka Hiiraan ayaa si weyn u sugayay in ay helaan tallaalka.