Faah Faahin: Kulankii maanta ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib loo dhigay.

Fadhigii golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ee loo ballansanaa maanta oo Isniin ah ayaa la baajiyay waxaana dib loo dhigay ilaa maalinta Arbacada ah ee todobaadkan.

Farriin loo diray xildhibaannada Baarlamanka ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba maanta la baajiyay kulanka islamarkaana dib loo dhigay ilaa 31-da bishan oo ku beegan Arbaco.

“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri Farriinta.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay cadaadis xooggan ku saareen madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Baarlamanka in dib loo dhigo kulanka oo laga shaki qabay in mudda kordhin lagu sameeyo.

Dhanka kale Kulanku wuxu diidmo adag kala kulmay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.