Dagaal Al-Shabaab iyo Cidamada Dowladda ku dhexmaray Deegaan ka tirsan Jubbada Hoose (Khasaare la gaarsiiyay Shabaabka).

Maleeshiyaadka Al-Shabab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabab ayaa inta badan weeraro ka fuliya saldhigyada ay ciidamada xoogga, kuwa AMISOM iyo Jubbaland ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada milatariga Soomnaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday guluf colaadeed oo ay ku doonayaan in Al-Shabab ay uga saaraan Deegaano ka tirsan Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Bu’aale.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deegaanka Baarsanguuni ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan duleedka deegaanka Baarsanguuni ee G/Jubbada Hoose.