Taliyaha ciidanka Dhulka oo farrin u diray ciidamada Gor-Gor.

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeeray taliska guutada Gor-gor ee xero damaanyo,isaga oo warbixin ka siiyay howlgalada dalka ka socda.

Taliyaha ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay xerada, isla markaana warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka, waxaana uu kula dar daarmay inay u diyaar garoobaan howlaha Qaran ee horyaala.