Sheekh Shariif oo kulan gaar xalay la yeeshay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe. 

Guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha ayaa Xalay kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmuudg.

Kulanka oo ahaa Casho sharaf kadib waxaa si gaar aha aya iskaga xog wareysteen xaaladda gguud ee dalka iypo arrimaha doorashooyinka,islamarkaana soo hadal qaaday kulamada ka socda Muqdisho.

Sidoo kalana kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre,C/raxmaan C/shakuur iyo Afhayeenka midowga musharaxiinta Dahir Geelle.

Arrimaha doorashooyinka oo dood adag aya ka yeesheen ayaa la iskula soo hadal qaaday kulanka madaxda dowlad gobaleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho iyo sida dalka ay uga dhici karto doorasho xor ah.