Magacyada 15-ka Xildhibaan ee Guddoomiye Mursal uu ka mamnuucay Fadhiyada Baarlamaanka.

Warqad kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu sheegay in shan fadhi lagaga joojiyay 15-Xidhibaan oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa  sidoo kale lagu sheegay in xubno kale oo soo xaadiray fadhiga golaha balse si ku talogal ah u saxeexi waayay liiska maxdarka si ay is horistaag ugu sameeyaan kulankii baarlamaanka la farayo in hantidhawrka goluhu uu soo gudbiyo magacayadooda.

Halkaan Ka Akhriso Magacyada xildhibaanada laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka

1: Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur

2: Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow

3: Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow

4: Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur

5:  Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

6 –Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed

7: Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene

8: Xildhibaan Maxamed Cali Cumer

9: Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed

10: Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey

11 –XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig

12: Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji

13: Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon

14: Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa

15: Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil — Hassan Yare

Qaar kamid ah mudanayeeyasha laga joojiyay fadhiyada oo ka falceliyay arrinkaasi ayaa ku tagrifal awoodeed ku tilmaamay warqadda guddoonka uu soo saaray