Warbixin:Faransiiska oo lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xasuuqii Rwanda.

Warbixin uu soo saaray guddi 15 xubnood ka kooban oo baarayay xasuuqii Rwanda ee dhacay 1994 ayaa lagu sheegay in Faransiiska uu gabay mas’uuliyadda wax ka qabashada dhibaatadaas, laakin guddiga taariikhyahnada ahi ma helin caddeyn ah in Faransiiska si toos ah ugu lug lahaa falkaas.

Ugu yeraan 800,0000 oo qowmiyadda Tutsiga ah ayaa waxaa laayay maleeshiyaad mayal adag oo ka soo jeeda qowmiyadda Hutu,xilli ay socdeen dagaallo sokeeye ee dhexmaray dhinacyadaasi.

Xukuumadda Ruwaanda ayaa sheegtay in soo jeedinta ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday is faham guud oo ku saabsan doorkii uu Faransiiska ku lahaa xasuuqa loo geystay dadkaTutsiga ahaa”.

Warbixinta waxay eedeysay madaxweynihii xilligaas ee Faransiiska Francois Mitterrand, sida uu ugu guuldareystay in uu la yimaado siyaasad ku aadan Rwanda ee berigaas.

Warbixinta ayaa hadda dibadda la soo dhigay ka dib sanado saraakiisha Faransiisku sheegi jireen in la qariyo xiriirka ka dhexeeyay Faransiiska iyo hogaamiyaha Hutu ee maamulayay dalka Rwanda xilligaas.

Labo sano ka hor ayaa madaxweynaha Faransiiska uu magacaabay guddi baaray doorka Paris ku laheyd xasuuqii Rwanda ee 1994, ayagoo gacanta loo geliyay dhammaan feelasha madaxtooyada, diplomaasiyiinta, militiriga iyo sirdoonka dalka Faransiiska ee ku saabsan dalka Rwanda.

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in dhowaan ay daaha ka rogi doonto warbixin ka hadlaysa doorka Faransiiska uu ku lahaa xasuuqaas.