Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta oo ku soo dhamaaday guuldarro.

Muqdisho:-Waxaa guul-darro ku soo dhamaaday kulankii maanta loo balansanaa ee xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxayna xildhibaano ka tirsan golaha guddoonka ku eedeeyeen inuu qarinayo ajande aan ahayn kan lala wadaagay.

Xildhibaanada ayaa horay loogu wargeliyey in ajendaha kulanka maanta uu noon doono hadalka cudurka Coronavirus, waxayna ajendahaas ka muujiyeen shaki weyn, iyagoo meesha ka saaray sabab keeni karta in baarlamaanku hadda ka hadlo COVID-19.

Xildhibaannadaas ayaa sheegay in golaha dibadiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan NISA, balse xildhibaano kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo u dhici lahaa sidii loo qorsheeyey lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee COVID-19.

Dhanka kale Buuq iyo sawaxan badan ayaa ka jiray gudaha hoolka baarlamaanka, waxayna xildhibaanada qaar ku goodiyeen inaan fadhiga la keeni karin wax ka duwan ajendihii loo sheegay, mudo kadibna guddoonka ayaa isaga baxay xarunta golaha, sidaas ayuuna ku baaqday kulankii maanta la isugu yeeray xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka.