Khasaaro ka dhashay Dagaal Al-Shabaab ay ka geysteen J/hoose iyo Sh/hoose

Faah faahino dheeraad aha ayaa ka soo baxaya weeraro kala duwan oo Alshabaab ay ka geysteen deegaano ka kala tirsan gobolada Jubbada hoose iyo Shabeellaha hoose.

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday fariisin ciidamada maamulka Jubbaland ay ku lahayen duleedka magaalada Ki9smaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaray dagaal kooban in uu ka dhacay halka loo yaqaan Buundada Dariq ee duleedka Kismaayo,islamarkaana uu ka dhashay khasaaro.

War qoraal ah oo ka soo baxay Alshabaab ayaay ku sheegteen in ay halkaasi ku dileen 2-Askaraki oo ku sugnaa bar-koontarool oo ciidamada Jubbaland ay halkaasiu ku lahaayeen.

Dhinaca kalana waxa ay shaaciyeen in weerar kale oo Jidgal ah ay ku qaadeen ciidamo huwan ah oo marayay duleedka deegaanka Jannaale ee gobobolka Shabeellaha hoose.

Alshabaab maysan sheegiun khasaaro ka dhashay weerarkaas,dhanka dowladdana weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay.