Dowladda ingiiiska: “Ma taageereyno in doorasho aanan loo wada dhaneyn ay ka dhacdo Soomaaliya”

Dowladda UK ayaa sheegtay in aysan taageereynin tallaabo kasta oo Soomaaliya u horseedi karto in laga qabto doorasho aanan loo wada dhaneyn ama mid barbar socota.

“UK ma taageereysp tallaabooyin horseedi kara in la qabto doorashada aanan loo wada dhaneyn ama doorashada barbar socota ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay safaaradda UK ee Soomaaliya.

Hadalkan UK ayaa kusoo beegmayaa xilli beesha caalamka ay Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg ah ay ku qabato doorasho xor iyo xalaal ah.