DEG DEG:- Ciidamo Hubeysan oo buux dhaafiyay xarunta golaha Shacabka iyo wararkii ugu dambeeyay.

Wararka ka imaanaya xarunta golaha shacabka baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weli uusan furmin kulankii xildhibaanada,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Xarunta golaha ayaa la shegay in la geeyay boqolaal ka tirsan ciidanka Dharcadka loo yaqaan ee ka tirsan hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ee hoostaga taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu ku daaabacay bartiisa Facebook,waxa uu ku sheegay in taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu boqolaal Maleeshiyadkiisa Dharacadka ah uu geeyay golaha,Sida auu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayuu ku eedeeyay in uu cirmi dhamaaday ceeb ku sagootinayo,islamarkaana ka digay ciidamada la keenay xarunta golaha shacabka.