Daacish: Maleeshiyaad fara badan oo Daacish isaga dileen Buuraleyda gobolka Bari=Faah Faahin=

Boosaaso:-Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ee Puntland waxay sheegayaan in laba garab ay u kala jabtay kooxda Daacish, isla markaana Jimcihii ay ku dagaallameen buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.

In ka badan lix xubnood oo ka tirsan labada garab ee Daacish, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkaas oo duhurnimadii shalay ka dhacay dhul buuraley ah qiyaastii 40-KM u jirta  degaanka Dhaadaar.

Loollan adag uu ku salaysan dhanka awoodda ayaa ka dhex aloosan kooxda Daacish eek u dhuumaaleysata dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Khilaafkaan waxaa la sheegay inuu salka ku hayo cidda beddeli doonta hoggaamiyaha kooxda Cabdulqaadir Muumin, kaas oo xanuun badan la daalaa dhacaya, sida ay xaqiijinayaan xogaha aan helnay.

Khilaafkaan ku saleysan doorashada hoggaankooda mudo dheer ayuu ka dhex jiray kooxda Daacish, waxuuna marar badan sababay gacan ka hadal dhex maray, waxayna shalay oo u dambeysay iska dileen ugu yaraan lix dagaalame.