Puntland:- Waan ka ka go’i doonaa Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal.

Wasiirka Maaliyadda ee maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Wasiir Abgaal oo ka hadlayay kulan maanta ka qabsoomay duleedka Garoowe, ayaa tilmaamay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay.

Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay.