Maxay ka wada hadleen shir xalay ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada oo idil?.

Kulamo xal looga raadinayo muranka ka taagan doorashada ayaa waxaa ay ka socdaa Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay xubnaha beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Xalay ayaa waxaa Muqdisho shir ku yeeshay dhamaan madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ee kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug,Hirshabelle, iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan ayaa ah kii u horreeyay Maamul Goboleedyada oo wadajir ah isugu yimaadaan tan iyo markii dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gaareen Muqdisho.

Warar ay heshay KNN  ayaa sheegaya in madaxweyneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen in sababta ay ugu qeyb geli waayeen shirkii maalmahan u socda madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay tahay cabasho ay ka qabaan habka uu wax u wado madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale labada Deni iyo Axmed Madoobe ayaa soo jeediyay in ciidamada dowladda gabi ahaanba laga saaro xerada Afisyooni, islamarkaana amniga lagu wareejiyo ciidamada AMISOM.

Qodobada kale ay ku doodeen ayaa waxaa ka mid ah in laga heshiiyo jadwalka shirka, islamarkaana madaxweyne Farmaajo uusan shir guddoomin kulanka, lana helo qof damaanad qaada fulinta waxyaabaha lagu heshiiyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xalay aan loo kala kicin kulanka ay yeesheen madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

Xogta ayaa sheegaya in madaxda ay sidoo kale balameen in kulan kale ay galabta isugu yimaadaan, si loo sii wado wadahadalada xal looga raadinayo dhameynta muranka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa wado dadaalo lagu dhameynayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keeno madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in madaxda Soomaalida ay shir xal looga gaarayo khilaafka doorashooyinka ay ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho.