Dowladda Mareykanka oo ka fiirsanaysa tallaabadii ciidamadiisa uu kaga saaray gudaha Soomaaliya.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegay tilaabadii Trump, ee ciidamada 700 askari uga saaray Soomaaliya suurta gal tahay inay yeelato saameyn aanan wanagsaneyn marka loo eego xaaladda Soomaaliya.Kiristofar Mayer oo ah sii hayaha xilka kaaliyaha wasiirka Difaaca Mareykanka ayaa u sheegay Guddiga ciidanka Qaranka ee Golaha Aqalka sare ee Mareykanka ugu magacaban “aragtideyda waxaa suurta gal ah in lagu deg-degay tillaabada ciidamada Mareykanka looga saaray Soomaaliya, waxaana ka dhalan karta saameyn aan wanaagsneyn”.

Waxa uu hadalkiisa ku sii daray in Maamulka madaxweyne Joe Biden ay ka arinsanayaan suurtagalnimada in dib u eegis lagu sameyo ciidanka Mareykanka ee laga saaray Somalia kuwaas oo lageeyay Jabuuti iyo Kenya.

Mayer waxa uu shaaca ka qaaday in ay jiraan Shaqsiyaad ka tirsan Wakaaladaha ay arintaan quseeyso oo doonaya in dib uu eegis lagu sameyo goaankii Trump.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800 kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan isla markaana caawiyaan ciidamada Soomaalida gaar ahaan ciidanka Danab.

Mareykanka ayaa soomaaliya ka fuliyay duqeymo ay la beegsadeen Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya, iyagoona ka dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab, taasina waxaa ay keentay in ay Al-Shabaab ay soo wajahdo cabsi iyo khal khal.