Dad waxaa u Nasiib xun Ninkii Garoonka Kubbadda Cagta ee “Eng. Yariisow” kuligii Nadiifi la yiri, ee…Nasashada Jimcaha. Q-245==

1. Nin ayaa Reero Baadiyaha deganaa u dhaaniyay si uu Ceelka Biyo uga keeno, waa la sugay Bacdamaa uu Ceelku ka fogaa oo 2 Maalin loo sii Arooro , 2ba Maalinna laga soo fulayay, Afar Cisho kadib ayuu yimid Halkii Biyo laga sugayay isaga oo leh: Ratigii ayaa iga dhumay.
Waxaa la weydiiyay, halkii Ratigu uga dhumay, iyo waqtigii uu ka dhumay. waxa uu yiri: Ma ogi, ee Laba Cisho oo kale haley sugo si aan Ceelkii uga raadiyo.(F.S: 1aad).
( Somaliya maxaa Rati dheexaa ka dhumaa 4tii Sannaba mar iyaga oo Biyo ka sugayay)
2. Haddii Gabaru ku tiraa Wiilka aan Guursanayo waa: In uu yahay Wiil Qurxan , dhaqdhaqaaq yar, Cod gaaban.
ogoow Gabarey Macnuhu ma ahan in uu yahay Wiil Fiican, Gabdhoow wax hubsada.
(Masaska qaar waa kuwo Qurux badan, Haddana aan loo dhawaan karin oo hoosta Sun ku wato, waana Xayawaan Cod gaaban oo aan kugu qeylineeyn).(F.S:2aad).
3. Dad waxaa u Nasiib xun Ninkii Garoonka Kubbadda Cagta ee “Eng. Yariisow” kuligii Nadiifi la yiri, ee Ciyaartiina ay baaqatay.
(Waxaa ka Nasiib xun Haweenka Malaamileyda ah ee wadooyinka Xamar Nadiifiyo, eyna u dheertahay Saddax: waddadii oo Qashinka lagu soo shubo, Mushaarka oo la waayo iyo Qarax aan la ogeyn cidda loo dhigay. iyagana waxaa ka sii Nasiib xun, Ninkii isaga oo Gabaru u dooneeyd Xalane laga wacay ee Gadaashiisa Gabadhii Nin kale lagu mehriyay).
4. Haddii aad Aragto Gabar leh: Waxaan rabaa Nin Qurxan oo Hanti leh, waxa ey ka yartahay 25 Sanno, Hadiise ey 40 jir tahay Shuruudeedu waa Naftu ma ku jirtaa.( F.S: 3aad).
( Gabareey Xisaabtan, 40kii meeqaa kaaga dhiman, Da’daaa Been haka sheegin).
5. Xaflad arroos waa isku imaad Laba Qof ey ka fikireyaan Sariir, inta kalena ey ka fikirayaan Saxanka Miiska saaran.
( Olole doorasho waa isku imaad Qof uu ka fikirayo inuu jeebkiisa wax u qabto, inta kalena ey ka fikirayaan inuu Dan guud u qabto).
6. Waxa ey tiri: Aaboow, Maalmahaan Gabdhaha iyo Wiilasha Gabdhahaa Qurxoon. waxa uu yiri: Waa Runtaa oo Wiilashu badanaa Midabkooda ma bedelaan. ee Adigu inta is cadeeyn Qurux ka raadiso ” Bleach” ha u ekaan Nalka Baabuurta Hago oo yaan Daanyeeradu kugu daysan ( F.S: 4, 5 & 6aad).
( Wiil ayaa yiri: Aboow markaad Yurub nala joogtay iyo hadda oo aad Somaliya u shaqa tagtay, hadda ayaa Dhakhligaagu Badan yahay.
Aabihii ayaa yiri: waa Runtaa oo Somaliya kama jiro Hanti dhowr Qaran, wiilkii ayaa yiri: Aaboow inta aad wax xadi maagto, ha noo keenin, Xoola Agoomeed oo Ciqaabtoodu Aakhiro kaaga horeyso, Annagana Cuqubadeeda Aduunyo ey Faceen naga reebto).
Qore: Yahya Amir