Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka oo galay maalintii 4-aad

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka oo soo bilaabmay maalintii isniintii ayaa maanta oo khamiis ah galay maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay  Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen.

Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo,iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul wasaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboledyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.