Madaafiic Hoobiyaal ah oo saakay lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhowr Hoobiyaal ayaa lagu soo warramayaa in goordhaweyd ay kusoo dhaceen xaafad u dhow garoonka diyaaraha ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde , waxaana ka dhashay khasaro kala duwan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan afar hoobiye lagu garaacay Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolkani Banaadir, kuwaasi oo lasoo sheegayo in uu jiro khasaaro ka dhashay. 

Hoobiyayaasha ayaa haleelay guryo ay dagganaayeen dad shacab ah oo kuwaasi oo la sheegayo in ay gaysteen khasaaro nafeed, inkastoo aan wali la xaqiijin tirada dhimashada rasmiga ah. 

Hoobiyaasha ayaa la aminsan yahay in lala damacsanaa garoonka Diyaaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku habsadeen guryo ay dad shacab ah dagganaayeen oo ka agdhow garoonka. 

wixii kusoo kordha kala soco Wararkeena danbe insha allaa