Buurta Figteeda ma gaartay ?

Culumida Seyniska ayaa Baaritaan dheer kadib waxa ey yiraahdeen: Figta Koriinka jirka Banii aadamku waa 40 Sanno,( F.S: 1aad) , laga bilaabo 40 Sanno, waxaa hoos u soo dhacayo Awoodda unugyada koridda ee Maskaxda, kadibna koritaanka unugyada kale ee jirka ayaa dhamaan hoos u soo noqonayo.
Taa mar hore ayaa Qur’aanka naloogu sheegay, Fiiri: Aayadda 68aad ee “Suuratul yaasiin” ayaa noo sheegee in noola kasta ee la uumay oo ey camiranto noloshiisu la nuskhaaminayo.( Fiiri Muuqaalka, F.M:2aad)
Goormee Nuskhaanku kugu bilaabanayaa marka aad gaarto “Ashadal Cumri”, ama 40 Sanno sida Aayadda 15aad ee “Suuratul Axqaaf” laga fahmi karo. ( Fiiri Muuqaalka,FM: 3aad)
Haddaba Cumrigaagu ma gaartay Buurta figteeda ? waaba haddii aad sii noolaato, Dad ayaanba Nasiibkaa helin oo Figta ka suko ka soo kala fireeyay, qaar ayaanba isku dayin in ey galaan socdaalka Cumriga oo Buurta Salkeeda aan soo dhaafin.
Xisaabtan hee !!!. Haddaad sii joogtana Dagaandaga Buurta ayaad ka soo taraaraxee. Buurta Cumriga waadba ku socotaa ee xageed sii maree?
Khaatumada khayr Alla ha nooga dhigo, Aamiin.
FG: Hala xisaabtamo, Wax kasta Allaah ayaa ku cilmi leh, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir