Qarax lala eegtay Bas marayay magaalada Mandheera oo sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo lala eegtay bas marayay meel u dhexeysa magaalada Mandheera iyo degmada Lafey, waxaana qaraxa ku dhawaacmay ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen booliska.
Baska rakaabka ah ayaa waxaa saarnaa 15 qof xilli miinada ay la qaraxday abbaare lixdii subaxnimo.
Baraasabka Mandera Cali Ibraahim Rooba ayaa sheegay inay jiraan dad dhaawacyo culus uu soo gaaray isla markaanaku amray in loo duuliyo magaalada Nairobi si halkaas loogu soo daweeyo.

Waxaan deegaankan horey uga dhacay weeraro dhowr ah oo looga shakisanaa inay geysteen ururka Al Shabaab.