Midowga Yurub oo cunaqabateyn ku soo rogaya Shiinaha.

Wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Midowga Yurub ayaa isku raacay in cunaqabateyn lagu soo rogo Shiinaha sababo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah qowmiyadda Uighurs ee ku nool gobalka Xinjiang.

Wasiiradu waxay isku raaceen in xayiraado laga saaro safarka iyo hantida afar shaqsi iyo hal hay’ad.Dadkaas waxaa ka mid ah taliyaha booliska ee gobalka Xinjiang iyo laba sarkaal oo kale .

Tani waa cunaqabateyntii ugu horeysay ee Midowga Yurub uu saaro Shiinaha tan iyo cunaqabateyntii hubka ee ka dambeysay xasuuqii Tiananmen ee ka dhacay Beijing sanadku markuu ahaa 1989-kii.

Shiinaha ayaa sheegay in cunaqabateyntu ay xadgudub ku tahay madaxbanaanidooda. Beijing waxaa lagu eedeeyay inay xirtay malaha hal milyan oo ka tirsan bulshada Muslimiinta ah ee Uighurs waxaa sidoo kal lagu eedayay in dadkaas Shiinuhu kula kacay falal lidI ku ah xuuqada aadanaha.