Shaqaalaha guriga Trump ku nool yahay oo qaarkood korona laga helay.

Qasriga uu deganyahay Donald Trump ee la yidhaa Mar-a-Logo ayaa qayb ka mid ah la xidhay ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalihiisa laga helay farayska korona, sidaana waxa ku waran tahay warbaahinta Maraykanka.

Qasrigaas oo ku yaal goblka Florida ayaa ah goobta uu sida rasmiga ah u degan yahay madaxweynihii hore tan iyo markii uu xilka ka degay bishii Jeeniweri.

Warbixin xafiiska Trump ka soo baxday ayaa lagu sheegay in qaybta cuntada la xidhay laakiin laguma faahfaahinin tirada dadka fayraska laga helay.

Trump waxa isaga fayrasku ku dhacay bishii Oktoobar ee kal hore wuxuu se talaalka qaatay bishii Jeeniweri ee sannadkan.

Markii cudurka laga helay waxa la dhigay Isbitaal uu ku jiray dhawr maalmood oo lagaga daweynayey cudurka.

Afadiisa Melania iyo wiilkooda Barron ayaa sidoo kale iyagana uu ku dhacay Fayrasku intii weli qoysku ku jireen Aqalka Cad, waxa sidoo kale waagaa cudurka laga helay saraakiil dhawr ah oo madaxweynaha u dhawaa.