Ra’iisul Wasaare laga helay cudurka Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan ayaa laga helay feyraska Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.

Waxaana la sheegay in haatan Ra’iisul Wasaaraha uu isku karantiilayo gurigiisa.

Khaan oo 68 jir ah wuxuu maalmihii u dambeeyay ka qeybgalay kulamo ka dhacay dalkaas.

Cudurka Covid-19 ayaa haatan kusoo laba kacleeyay Pakistan iyadoo dalka laga diiwaangeliyay dhimashada 13,799 qof iyo kiisas gaarayo 623,335.