Sheekh Shariif “Farmaajo kama aqbalayno Waqti kororsi…”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marxalada maanta ay ku sugan tahay Soomaaliya in ay tahay mid jahwareersan loona baahan yahay in dhammaan Madaxda iyo Shacabka ay u istaagan si wax looga qabto.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Waqtigiiso dhammaaday iyo xukuumaddiisa xil gaarsiinta ay raadinayaan Muddo kororsi xilli uu dhammaaday muddo xileedkii la doortay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo looga baahnaa muddo xileedkiisa ka hor in uu soo bandhigo muddo korosiga uu rabo si umada Soomaaliyeed ay uga fakarto , islamarkaana lagula xisaabtamo.

Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan sidii loo badbaadin lahaa dalka.

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Midowga Musharrixiinta iyo Golaha Siyaasadda ee Somaliland ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.