Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka mid noqonaya saxiixayaasha heshiiska doorashada=Warbixin=

Warar la helayo ayaa sheegaya in madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ka mid noqon doonaan saxiixayaasha heshiiska doorashada Soomaaliya.

Ilo muhiim ah aya xaqiijiyay in dadaal dheer kadib loo ogolaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif inay ka qeyb-galaan shirka lagu wado in uu ka dhaco xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ah kii ugu dambeeyay ayaa midowga musharaxiintu ku dadaaleen in ay saameyn ku yeeshaan doorasha,islamarkaana dhowr jeer dalbaday in Saamileyda siyaasadda lagu daro geedi socodka doorsho.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo metelaya mucaradka ayaa labadoodu waxa ay kaqeyb-geli doonaan shirka Xalane iyaga oo sidoo kalana saxiix ku yeelan doona,arrintaa soo si aad ah ay uga soo hor jeedday madaxtooyada Soomaaliya.