Qaar ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu Soo qabtay Shabeelada Hoose.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay hawlgalo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka shabeellada Hoose.

Deegaanada howlgalada laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Aliyow Baarow ,Doonka,Aw Guudle ,Buusleey,Galooy Xarbiga Warta Mursal Bulo ay Famey Baleey Garasdaay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay gacanta ku dhigeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Dhanka kale saraakiisha ayaa sheegay in afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu qabtay howlgalka.