Ciidamo Cusub oo Ugandes ah oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Dowladda Uganda ayaa qorsheenaysa inay Somalia u soo dirto 2752 askari oo kamid ah ciidamada Keydka Uganda kuwaasi oo ka qeyb qaadan doono dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Ciidamadaan ayaa Somalia soo gaari doono horaanta Bisha October ilaa dhamadka sanadkaan 2021.

Horey Bishii Janaayo waxaa ciidamadaan looga yeeray Xafiiska Taliyaha ciidanka Keydka Uganda si ay ugu xaroodaan Xerada Nabadda ee Singo ee dalkaasi Uganda si ay muddo 6 bil ah ay tababar ugu qaataan.

Horey Uganda waxa ay Somalia ugu soo dirtay ciidamo howlgab ah oo gaaraya 1,300 si ay qeyb uga noqdaan Howgalka ka dhanka ah Al shabaab.